Maamulka G/Sh.hoose oo maanta booqday deegaanka Jaziira

138

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ibraahim aadan Cali Najah ayaaa maanta Booqday Deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeelada Hoose

Ibraahim aadan ali Najah iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka bishii hore loo magacaabay deegaanka iyo Bulshada ku dhaqan halkaasi ayagoo ka wada hadkay xaalada amaan ee degaankaasi waxaana maamulka ay wax badan ka badaleen Aminiga deegaankaasi oo mudolyinkii dambe eheed mid liitay balse tan iyo markii loo magacaabay maamulka cusub ayaa waxaa halkaasi laga waayey shaqaaqooyinkii ka dhici jiray



Gudoomiye najah ayaa bartiisa ku soo qoray
“Waxaan booqasho shaqo maanta ku tagay Deegaanka Jaziira Gobolka Shabellaha hoose halkaas oo aan kula kulmay maamulka dhawaan aan u magacaabay deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda,iyadoo aan soo kormeeray xaafadaha deegaanka”


Gudoomiyaha ayaa faray maamulka iyo shacabku in ay kawada shaqeeyaan xasilinta Deegaanka wuxuuna si doo kale balan qaaday in maamulka gobolku uu ka shaqeyn doono wax walbo oo hormar u ah deegaanka jaziira



Deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa u soo dalxiis taga shacabka ku dhaqan labadda Gobol ee Banaadir iyo Shabellaha hoose