Maamulka G/Sh.Hoose oo maanta qeybiyey Wajiga labaad ee gargaarka Degmada Afgooye

37

Wajiga labaad ee deeqda gar gaarka ah ayaa maanta la gaarsiiyey dadkii uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeele ee Degmada Afgooye,

Gudoomiyha Gobolka shabeelada Hoose Mudane Ibraahm Aadan Ali (Najah) oo shalay qeybiyey wajiga koowaad ee gargaarkaasi ayaa saaka ku soo kalahay goobaha ay ku suganyihiin dadka uu saameyey fatahaada wabiga shabeele ee degmada Afgooye waxaana halkaasi lagu qeybiyey wajiga labaad ee gar gaarka loogu tala galay shacabkii uu ku so fatahay wabiga shabeele kuwaasi oo badankood ay fatahaadaasi wabiga Shabeele sababtay in ay guryohooda ka soo barakacaan,

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay in maanta ay qeeybiyeen wajiga labaad ee gar-gaarka dadka ay saameeyn fatahaadaha Degmada Afgooye

Gudoomiye Najah ayaa yiri “Wajiga 2-aad ee qeybinta Gar-gaarka dadka ay saameyeen fatahaada ayaan u qeybinay 1000(Kun Qoys) oo ku sugan Degmada Afgooye”,

Gudoomiye Najah ayaa dhinaca kale wado dadaalo badan oo lagu caawinayo dadkaasi uu ku soo fatahay wabigu kuwaasi oo sida uu sheegay haatan u baahan in la garab istago wuxuu gudooniyuhu si doo kale tibaaxay in ay sii wadi doonaaan ka warqabka shacabkaasi,


“Waxaan si wadeynaa qeybinta Gargaarka innagoo kaa shaneyna DFS,DowladGoboleedka Koonfurgalbeed, iyo Hey’adaha Gar-gaarka”,


Maamulka Gobolka oo kaashanaya DFS,Maamulka koonnfur galbeed iyo Hay’adaha gar gaarka ayaa ku howlan samata bixinta Shacabka Ree afgooye,

Ugu dambeyn gudoomiye Gobolka ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaga dadka ree Afgooye