Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

69

Madaxweynaha Dowlad goboleedka maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Qeybta 21aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo  Nabad diidka Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa  Shaaciyay howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Darawiishta  maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Qoor qoor  ayaa xusay in degaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, islamarkaana ay diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.

Madaxweynah Galmudug ayaa Sheegay  in Ciidaanka Maamulka  Galmudug ay u diyaarsan yihiin dagaalka Al-Shabaab ka dib markii uu dhawaan tababar u soo xiray ku dhawaad 500 oo askari.

Nabad diidka Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulkaasi Galmudug Dhowr jeerna waxa ay werero ka fuliyeen Magaalooyin ka tirsan Maamulkaasi