Maamulka gobolka Banaadir oo diniin u diray shacabka Muqdisho

35

Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga dowladda Hoose ee Xamar iyo qaadista canshuuraha guryaha.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb-galeen guddoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada dowladda hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir in ay noqdaan canshuur bixiyayaal.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay  in canshuurta ay bixiyaan shacabka  dib loogu soo celin doono bilicdii Caasimada, isla markaana wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada u baahan-yihiin sida Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha muhiimka ah.