Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay qaraxa ka dhacay Muqdisho

67

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada  KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa lala eegtay Gaadiid uu watay Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan, balse uu ka badbaaday, waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxa ka dhashay

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Maamulka degmada Hodan oo qaraxa ka hadlay ayaa khasaaraha dhimashada u sheegay ilaa Afar askari iyo hal qof oo shacab ah, waxaana uu sheegay in weli ay baaritaano kale socdaan

Askarta qaraxa ku geeriyootay ayaa mid kamid ah Magaciisa waxaa lagu soo koobay Cabdiqani, waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in uu si dirqi ah qaraxa uu uga badbaaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan