Maamulka Gobolka Banaadir oo Caawa Kulan degdeg ah ka yeeshay Roobkii 48 saac ka da”ayay Muqdisho

13

Mas”uliyinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay xaaladahii ugu dambeeyay ee Roobabka ka da’aya Magaalada Muqdisho .

Roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay isu-socodka Magaalada iyadoona sidoo kale ay saameyn ku yeesheen dad dan yar ah oo ku nool xeryaha barakaca we Muqdisho.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ayaa Warbixin ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo warbixin la xariira Roobka ka warbixiyay.

Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la faray in ay qaadaan Mas’uuliyadda loo igmaday ee Degmada dadaalna ku bixiyaan la tacaalida Xaaladaha Deg-dega ee sababeen Roobabka ka da’ay Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in ay gurmad u fidin doonaan dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaaray Roobabkii da’ay iyadoona Ganacsatada iyo dadka kale loogu baaqay in ay is-garab taagaan dadka dan-yarta ee saameeyay Roobabka.

48 saac ee la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka da’ay roobkii Deyrta kuwaasi oo sababay in ay ka dhashaan daadad.