Maamulka Gobolka Banaadir oo xarrigga ka jaray dhismaha Waddo Inter-lock ah

27

.Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Basma Caamir Jaketti ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Waddo Inter-lock ah oo laga sameynaayo degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ayaa bulshada degmada kula dardaarmay in ay ilaashadaan bilicda waddadaan iyo guud ahaan degmada Xamar-jajab si ay tusaale ugu noqdaan degmooyinka kale.

Wadadaasi waxaa dhismaheeda iska kaashanaaya maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Xamar-jajab oo uu horkacayo guddoomiyaha degmada Guhaad Sheekh Xasan.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa muddooyinkaan ku howlan dib u dhiska waddooyinka loo yaqaan inter-lock-ga ahwaxaana tallaabadaasi horumarinta ah aad u soo dhoweeyay bulshada Gobolka Banaadir