Maamulka Gobolka Gedo oo ku dhawaaqay Dagaal iyo Guluf horleh oo ka dhan ah al-shabab.

35

Maamulka Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay Dagaal iyo Guluf horleh oo ka dhan ah ururka al-shabab.

Taliska Ciidanka Millateriga dowlada federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay bilaabi doonan howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga fulinayo degaano ka tirsan gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida degmada Doolow ayaa waxaa ay gaareen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo diyaarinaya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda noocyadooda kala duwan ay dhawan bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo la isugu furayo  Magaalooyinka gobolka Gedo.

Degaanada iyo degmooyinka Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shababa, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay howlgallo fulin doonaan.

howlgaladaan ayaa waxa ay sarakiisha ciidaamada militariga ay ku sheegeyn in ay kaga golleeyihiin sidi looga saari lahaa deegaanada al-shabab ay kaga xoogan yihiin gobolka