Maamulka Gobolka oo ka hadlay Roobka ka da’ay muqdisho Saameyn ka dhalatay

31

Faahfaahino dheeraad ayaa waxa  ay ka soo baxayaan roob ka da’ay  magaalada Muqdisho oo saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir, iyada oo dadka qaar ay ka barakaceen Roobka.

Qoysas danyar ah ayaa  Roobka Guryahooda galay, isla markaana ay sababtay inay barakacaan si saameyn kale uusan ugu yeelan, waxaana sidoo kale uu Roobka xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobkii xalay dhowrka saacadood ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay  in ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Banaadir uusan soo gaarin khasaaro nafeed oo ka dhashay roobka marka laga reebo Guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag, balse aan wax khasaaro ah geysan,waxaana Bulshada wax heysanata uu ugu baaqay inay u gurmadaan dadka danyarta ah.

Roobka ka da’o Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu saameynta ugu daran ku yeeshaa Guryaha ay degan yihiin Qoysaska danta yar iyo wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood horay u bur bursanaa.

Saakay ayaa waxa la arkayay Biyo badan oo xeray wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho

Gaadidka Bl-ka  ayaa saakay ah mid aan sahqeyneyn waxana ay taasi sababtay in dadak ay lugeyaan .