Maamulka Gobolka SH.Hoose oo wado qorsho dib u dejin ah

40

Maamulka gobolka shabeelada Hoose ayaa bilaabay mashaariic horumarineyd oo laga fulinaayo deegaanada dhawaan laga xureeyay nabad diidka Al-Shabab .

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah oo wareysi gaar ah siinayay Idaacadda VOA ayaa sheegay in deegaano dhowr ah laga xureeyay Nabad Diidka Al-Shabab in hadda laga bilaabay hirgelinta adeegyadda bulshada sida waxbarashada Cafimaadka iyo wacyi gelinta bulshada.


Gudoomiye Najah ayaa sheegay in gobolka Shabeelada Hoose uu caan ku ahaa labo waxyaabood oo kala ah dalxiiska iyo waxsoosaarka dhanka Beeraha,maamulkiisa uu wax badan ka qabtay sidii loo soo celine lahaa arrimahaasi.

Ugu dambeyn maamulka gobolka shabeelada Hoose ayaa qorsheynaayo himilo fog oo ah in la kobciyo waxsoosaarka gobolka iyo in la gaarsiiyo bulshada adeegyadda aas aasiga ah .
Shabeelada Hoose ayaa inta badan laga xureeyay nabad diidka Al-Shabab iyadoo maamulka gobolka uu wado qorsho loogu adeegayo bulshada iyo in dib u dejin loogu sameynaayo.