Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo Gar-gaar gaarsiiyey deegaanada uu ku fatahay wabiga Shabelle

50



Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Gar-gaar gaarsiiyey deegaanada uu ku fatahay wabiga Shabelle

Maamulka Gobolka ayaa waxay 400(Qoys) oo ku nool Deegaanka Mareerey gaarsiiyen agab loogu talagalay inay isticmaalaan qoysaska ka barakacay fatahaada wabiga shabeele kaasi oo saameyn ku yeehshay Gobolka Shabeelada Hoose

Agabkaan lagaarsiiyey dadka barakacayshasha ah ayaa wuxuu ahaa mid muhiim u ah noloshooda waxayna u mahadceliyeen maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo soo gaarsiiyey agabkaan ayagoo dalbaday in lala socdo xaaladooda guu,

Maamullka Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa uu wadaa dadaalo xoogan oo gar-gaar lagu gaarsiinayo dadka uu saameyey biyaha fatahaada wabiga Shabeele oo ku fatahay qaar kamid ah degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose wuxuuna maamulka sidoo kale balan qaaday in ay sii wadi doonaan gaarsiinta Gar-gaarka deegaanada kale ee uu wabiga ku fatahay.