Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Oo La Kulmay Gudoomiyaha Magacaaban Ee Gobolka Mudane Cabdiqaadir Siidii.

49

Maamulka Gobolka  Shabellaha hoose ayaa maanta la yeeshay is aragi ugu  horeeyay gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Siidii.

Sii hayaha Gudoomiyaha Gobolka Mudane Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa  kulan iskugu yeeray gudoomiye ku xigeenadda  gobolka,Xoghayaha iyo gudoomiyaha ururka Haweenka si ay u kala war qaataan gudoomiyaha magacaaban Mudane Cabdiqaadir Siidi.

Masuuliyinta ayaa  ka wada hadalay  diyaarinta xil wareejinta iyo sidii xubnaha kale ee maamulka ay ula shaqeyn lahaayeen gudoomiyaha cusub.

Gudoomiye Ibraahim Aadan Ali Najx ayaa warbixin guud ka siiyay  xaalada Gobolka Gudoomiyaha Magacaaban iyo Mashaaricda socota,kuwa qabsoomay, kuwa qabsoomi doona dhawaan iyadoo dhamaan loo diyaariyay in lagu warejiyo munaasabada xil wareejinta.