Maamulka Hir-Shabeelle oo faah faahiyay howlgallo dad farabadan lagu qabqabtay

23

Ciidamada Ammaanka ka howlgalla Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay Xaafado ka tirsan Magaaladaasi ka sameeyeen howlgallo lagu xoojinayo amniga Magaalada, iyada oo howlgaladaas lagu qabqabtay dad farabadan.

Howlgalka oo ay siwadjir ah u fuliyeen Ciidamo isugu jira, Boolis, Nabadsugid, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee  Ciidamada Haramcad  iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha qaar iyo wadooyinka Magaalada Jowhar.

Ugu dambeyn Taliyaha waxaa uu sheegay in xogaha ay ka heleen Shacabka ay ku howlgallaan, waxaana uu balan qaaday inay howlgalalda kasii wadi doonaan Afarta Xaafadood ee Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro, iyada oo sanadkii tegay ee 2020 lagu dilay tiro Xildhibaano ah, iyada oo Magaalada Jowhar ay kamid tahay meelaha la filayo inay ka dhacaan doorashoyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.