Maamulka Hirshabeelle oo baaq degdeg ah ka soo saaray Fatahaada Wabiga Shabeelle

117

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo hey’adaha gargaarka inay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro ka hortagga fatahaada wabiga Shabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degmooyin ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Beledweyne, Mahadaay, Balcad iyo deegaano kale.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha sida weyn uu u saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle, iyadoo dadkii deganaa ay badi u barakaceen degaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne, waxaana shalay Beledweyne laga bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaadaha soo laab laabtay.