Maamulka Hirshabeelle Oo Bilaabaya Howlgal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

78

Madaxweynah dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Hirshabeelle, kaasi oo ka dhacay Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.