Maamulka K/Galbeed Oo Ka Hadlay Khasaaraha Dagaal Ka Dhacay G/Baay

59

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Qansax-dheere, iyadoona uu dhacay dagaal la isku adeegsaday hub culus.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay dagaalka ka dhacay Gobolka Baay oo soo kala gaaray labada dhinac, isla markaana waxaa ka hadlay Maamulka degmada Qansax-dheere ee Koonfur Galbeed.