Maamulka KGS oo Deeq raashin & Qalab Waxbarasho Gaarsiyay Degmada Waajid+SAWIRO

49

Wafdi xildhibaano ka tirsan Baarlamanka KGS ayaa gaaray gobolka Bakool

Wafdigaan waxaa hogaaminaayey Xildhibaan Dr Abdirashid Mohamed Nur Jilley Oo uu qeyb ka ahaa Xildhibaan Qaasin Maxamed Abukar kuwaasi oo Safar ku tagay Degmada Wajid Ee Gobolka Bakool,

Safarkaan ayaa Ujeedadisa aheyd ukuurgalidda xaaladda Degmada ay Ku sugantahay iyo gaarsiin Deeqo kala Duwan sida Daawooyin, qalab caafimaad, iyo Buugaag fasalka 5aad 6ad,7ad iyo ilaa iyo fasalka 8aad ee iskoolada gobolka Bakool looga baahnaay.

Wafdigaan ayaa Waxey kaloo booqdeen oo deeqdan ku wareejiyeen Iskulka weyn Ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale MCH ka Degmada Waajid ayaa qalab caafimaad iyo daawoyin Lix bilood tan ah loogu talagalay in la isticmaalo garsiyeen madaxdaasi.

Xildhibaanka iyo wafdigii la socda waxa ay la Mahad celiyay Soo dhaweeynta Qalbi furnanta leh Ay soo dhaweeyeen Dhamaan Maamulka Degmada oo uu ugu horeyo gudoomiyaha Degmada Iyo Kuxigeenadiisa iyo sidoo kale Dhalanyarada, ururka haweenka, odoyaalka Dhaqanka iyo Bulshada qeybaheda kala duwan ee ka qeybqaatay soo dhaweyntooda.

Degmada Waajid ayaa waxa ay ka mid tahay goobaha u bahan kaalmo bani’aadanimo