Maamulka Koofur Galbeed  oo Ugu Baaqay Ciidamada Amaanka Maamulkaasi Inay Laba Jibaaraan Howlgalada Kadhanka Ah Xarakada Alshabaab.

36

Maamulka Koofur Galbeed  ayaa Ugu Baaqay Ciidamada Amaanka Maamulkaasi Inay Laba Jibaaraan Howlgalada Kadhanka Ah Xarakada Alshabaab.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa booqday qeybo ka mid ah rugaha ciidamada booliska K/galbeed ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baydhaba.

Booqashadaan ayaa Wasiirka waxaa ku wehliyay Taliyaha booliska gobolka Baay Amiin Maxamed Daruur, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Aadan Abuukar Maxamed iyo Taliyaha Ilaalinta Cashuuraha KG Cali Aadan Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Ilyaas Saciid Cali oo la hadlay Taliyeyaasha rugaha ciidanka ayaa u jeediyey ammaan iyo bogaadin ku aadan dadaalkooda iyo dadkoodaba ka horjoogaan cadawga marin habaabsan ee Al-Shabaab.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa cunno ku wareejiyay Taliyeyaasha rugaha ciidamada booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhaba.