Maamulka Koonfur Galbeed oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay G/Baay

42

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Dinsoor ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Diinsoor Shiine Mayow ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Diinsoor ay al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer weerar ku qaaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed & Al-shabaab, iyaga oo dagaalada guulo ka kala sheegta.