Maamulka Puntland oo kasoo hor jeestay mataalaadsiisa Gobolka Banaadir

118

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shir jaraa’id qabtay markii ay heleen amar Madaxweynaha Puntland, ayaa ku eedeeyey maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ay qabyaaladeynayaan arrimaha Mataalada Aqalka Sare ee gobalka Banaadir.

Xildhibaannada ayaa sheegey in Aqalka-sare lagu qaybsaday 18-kii gobol ee Soomaaliya, waxayna Xildhibaannada ka soo jeeda HirShabeelle iyo Galmudug ku eedeyeen in ay caasimadsa ka dhigayaan “Magaalo reer leeyahay”, iyaga oo doorasho ku raadinaya. Waa sida ay hadalka u dhigeene.

Mudanayaasha qaarkood ayaa xaqiijiyey in ay kahor shirkooda jaraa’id ay wada hadal telfoon layeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Waxaa Cajiib ah isagoo  sheegaya Mataalada  18 Gobol hin ay Aqalka sare ku leeyihiin Matalaad adana ogoleen Gobolka Banaadir oo ka mid yahay 18 Gobol