Maamulka Sh/Hoose oo ka hor yimid in degmada Afgooye ay ka qeyb gasho tartanka G/Banaadir

53

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa ka horyimid qorshe uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayey in degmada Afgooye ay uga qeyb-gasho tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Najah oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa cad ugu beeniyay in ay jirto koox degmada Afgooye ku metaleyso ciyaarahaasi, wuxuuna sheegay in kooxda dagmada ee uu mas’uulka guud ka yahay aysan tagi doonin magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka Banaadir ay isku khilaafsan yahiin arrimo dhanka sooh-dimaha ah, islamarkaana loo baahan yahay in aan la’iska horkeenin bulshada.

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Najah hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax xiriir ah oo lala soo sameeyay, si kooxda degmada Afgooye loogu daro tartankaasi kubadda cagta ah.

Halkan hoose ka aqriso:

Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno.

Maamulka Gobolka Banaadir ma jiro xiriir uu innaga nala soo sameeyay oo la xiriirta arrintan,waxaan xaqiijinaynaa inaysan jirin koox kubbadda cagta ah oo ka socota Degmada Afgooye kana qeybgaleysa tartankaas.

#DaryeeliyoDowladnimo.
#NabadiyoNajah.