Maamulka Sh.Hoose oo ka tacsiiyey geeridii kutimid Gudoomiye ku-xigeenkii wanlaweyn

29

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose mudane Ibraahim Aadan Ali Najah,ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka gobolka ayaa ka tacsiiyey geeridii ku timid Gudoomiye ku-xigeenkii Degmada Wanlaweyn oo caawa lagu dilay Degmada Wanlaweyn Ee Gobolka Shabeelada Hoose,

Gudoomiye Najah ayaa Tacsi u diray dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto)

Gudoomiye Ku xigeenkii Degmada Wanlaweeyn ayaa koox argagixiso ah ku weeraren hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac ka so garay weerarka waxaana si doo kale weerarkaasi ku dhaawacmay qaar ka mid ah qoyskiisa.

Ciidamada amaanka ayuu gudoomiyuhu faray in ay soo qabtaan ayaa raga weerarkaan bahalnimada ah geestay wuxuuna gudoomiyuhu cidsaday in gacanta in gacanta lagu soo dhigo dadkii falkaani ka dambeeyey