Maamulka Yaaqshiid oo war ka soo saaray toogasho ka dhacday degmadaasi

27

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow ayaa ka hadlay toogasho iyo is-rasaaseyn ka dhacday xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi, kadib markii ay isku dhaceen rag hubeysay iyo ciidanka amniga.

Shiilow ayaa sheegay in ciidamadu ay toogteen mid ka mid ah raggaasi oo uu sheegay inay miino ku aasayeen waddo ku taalla degmada Yaaqshiid.

“Sedex nin oo ku hubeysan Bastoolado  isla markaana xambaarsan miinooyinka war lagu qarxiyo, ayaa waxaa xogtooda helay xiidamada Nabad-sugidda ee degmada Yaaqshiid. Markii ay xogta heleen ciidamadu waxaa ay u dhaqaaqeen howlagal, waxaana israsaaseen ay dhex martay ciidamada iyo raggii miinooyinka xambaarsanaa waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mid ah ragii, waxaana la helay miinooyinkii” ayuu yiri Shiilow.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in arrintan ay ku timid wada-shaqeyn dhex-martay shacabka iyo laamaha ammaaanka ee degmada Yaaqshiid.