MaamulkaG/Sh.Hoose iyo KGS oo kawada hadlay Dar-dar galinta Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Xudur

150

Kulan looga hadlayey dhismaha iyo dardar gelinta howlaha garoonka diyaaradaha ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayuu Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Dowlad Goboleedka konfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) waxa uu maanta la qaatey Maamulka Gobolka Bakool, Kan degmada Xudur iyo Mudanayasha Golaha Deegaanka,

Wasiir Eeley ayaa sheegey in garoonka Diyaaradaha ee Xudur muhiimad gaar ah uu u leeyahay Dowlad goboleedka Konfur Galbeed iyo Soomaaliya inteeda kale loona baahan yahay in laiska kaashado dhismihiisa Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee ay usoo Gaareen Xudurna ay kamid tahay,

Waxaa uu intaa ku daray in dhismaha Garoonka lagu fulinayo si isxilqaan ah ayna iska kaashan doonaan dhismihiisa Dowlad goboleedka Konfur Galbeed iyo Bulshadeeda.