Maareeyey oo ka tacsiyeeyey geerida Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal

40

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir ‘Maareeye’ ayaa ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo xalay ku geeriyooday Mareykanka.

Maareeyey ayaa ehelada, asxaabta iyo guud ahaan qaranka ugu tacsiyeeyay geerida Allah u naxariistee Cabduqaadir Maxamed Mursal.

Saxafiga Rug Caddaag ah ee Cabduqaadir Maxamed Mursal, waxaa uu kamid ahaa wariyeyaasha caanka ah ee Soomaaliyeed.