Madaafiic xoogan oo caawa lagu garaacay Muqdisho

63

Tiro madaafiic ah oo loo malaynayo inay yihiin hoobiyeyaal ayaa caawa lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaafiicdan oo billowday dhowr daqiiqo ka hor ayaa waxaa illaa iyo hadda la maqlay ku dhowaad 10 ka mid ah, waxayna ku dhaceen agagaarka madaxtooyada iyo qaar ka mid ah degmooyinka ku dhow.

Degmooyinka ay madaafiicda ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Wardhiigley, Xamar Jajab, Boondheere, iyo Shangaani. Waxaa sidoo kale macquul ah inay gaareen degmooyin kale balse weli lama xaqiijin, waxaana weli socda dhowaqa madaafiicda.

Madaxtooyada ayaa waxaa maanta kulan qado ah ku yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka, mana cadda in ujeedka madaafiicdan uu ahaa in lagu beegsado