Madadxweyne Qoorqoor oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Galmudug

67

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Tababar ugu soo xiray Dufcaddii Saddexaad ee ka mid noqonaysa Ciidanka Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo Dhawaan iyagoo ka cabanaya Mushaar la’aan xirtay wadada Xiriirisa Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa xiritaanka Tababarka Ciidankaa waxaa ku wehlinayay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaan degaanka ah.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in maamulka  Galmudug ay ka go’an tahay bixinta xuquuqda ay leeyihiin ciidanka maamulka.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidanka maanta tababarka loo soo xulay looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan dardargalinta howlaha Amniga degaanada Galmudug.