Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay xaaladda Deg. Afgooye fariina dirtay

126

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa War kasoo saartay fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madasha ay xog-ogaal u tahay fatahaadda waxyeelada geysatay ee Webiga Shabeelle uu ka sameeyay Degmada Afgooye iyo deegaano dhowr ah oo hoostega degmadaas.

Sidoo kale Madasha ayaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira ugu baaqday inay Gargaar ah Deg deg ah la gaaran dadkii danyarta ahaa ay sameeyeen fatahaadaha Webiga.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa hay’addaha samafalka ee dalka ka howlgala iyo kuwa Caalamiga ee Gargaarka ah ka dalbatay inay ka qeyb qaatan Gurmadka loo sameeynayo dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaartay fatahaada.

Hoos ka Akhrsio Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada.