Madasha Xisbiyada Qaran oo eedeyn culus u jeedisay MW Farmaajo

34

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan magacaabis la’aanta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Qoraalkan ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), waxaana madashu ay sheegtay in Madaxweynihu dalka ku wado kali-talisnimo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madashu waxay u aragtaa in Madaxweynuhu si sharci darro ah u magacaabay kusime Ra’isul- wasaare, taasoo aan shuruucda Dalka meelna kaga qornayn. Madashu waxay u aragtaa inay tahay masuuliyad darro iyo kali-talisnimo in Dalku xukuumad la’aan ahaado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina Madaxweynuhu gacantiisa kusoo aruuriyay isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dan shakhsiyadeed” ayuu yiri Qoraalka Madasha Qaran.