Madaxda DF, M/Goboleedyada Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan U Socda

26

Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu kulan uga socdaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda ee xilka sii-haya, Guddoomiyaha G/Banaadir, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed  iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guur ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya ee aan heshiiska  laga gaarin.