Madaxweynayaasha Puntland , Jubbaland iyo Koonfurgalbeed ayaa lafilayaa in ay Maanta gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug,halkaas oo uu ka furmayo Shirka Wadatashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada
Diyaargarow balaaran ayaa ka jira Xarunta Galmudud ee Dhuusamareeb waxaana aad loo adkeeyay Amaanka , Wufuud Hordhac u ah Madaxwaynayaasha ayaa Magaalada soo gaaray laguna soo dhoweeyey.
Horay waxaa Dhusamareb ugu sugnaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Shalay Galinkii lagu soo dhoweeyey Caasimada Galmudug.
Magaalada Dhusamareb ayaa la suray Calamada Maamul Goboleedyada waxaana Magaalada aad looga Dareemayaa soo dhowaynta Madaxda Dowlad Giboleeyada.