Madaxda M/Goboleedyada Iyo Beesha Caalamka Oo Xaaladda Dalka Kulan Ka Yeeshay

71

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa xalay qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka kulan ku yeeshay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo marxalada kala guurka ee la galay, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda maamulada Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sigaar ah uga wada hadlay sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada oo lagu heshiin waayay.