Madaxda M/Goboleedyada Oo Dalab Hordhigay Musharaxiinta Madaxweynaha

31

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay Hotelka Decele ee Magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan iska marin waaga ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa 2021 iyo go’aankii Xukuumadda ku dhawaaqday ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashooyinka.

Inta uu socday kulanka ayaa dhinacyada waxaa dhexmaray dood adeg oo ku aadan doorashada iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa in Musharaxiinta iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland uu Jawaab ka waayay waan-waantii uu ku doonayay in xaliyo tabashooyinka doorashada ka jira.