Madaxweeynaha KGS oo ka qeeyb galay soo dhaweeynta Madaxweyne Farmaajo

159

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa ka qeybgalay so dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo galabta Dhuusamareeb so gaaray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa masuuliyiinta Ku soo dhawweyey magaalada Dhuusamareeb ka mid ahaa madaxweeyn Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo ku sugan magaladaasi,

Madaxweyne Farmaajo ayaa masuuliyiinta iyo dadweynihii kusoo dhaweeyay Caasimadda Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isla markaana waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah