Madaxweeyne Farmaajo oo hambalyo u diray Muslimiinta

165

Madaxweeynaha Jamuuriya Soomaliya mudane maxamed Cadulaahi Farmaajo ayaa hambalyo udiray dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ee sanadka Hijriga 1441-ka

Madaxweybaha ayaa u duceeyey dhamaan dadka muslimiinta ah wuxuuna Alle uga baryayey in uu ka aqbalo ducada dadka muslimiinta ah ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.

Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada.

Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo ayuu madaxweeynuhu wuxuu ku boorrinayey muwaadiniinta Soomaliyeed in ay gacan ka geystaan farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, oo ay tahay in si gaar ah looga warqabo agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta

“Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna wali ku xeeran, taas oo uu sababay cudurka COVID-19 oo ah wali khatar jirta, muhiimna ay tahay in aan muujinno taxadar, iyadoo loo hoggaansamayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka.

“Munaasabadda Ciiddan waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, anigoo ku bogaadinaya dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgeliyada shacabka Soomaaliyeed

Malainta birto ah oo jimco ah ayaa waxay ku beeganthy maalinta koowaad ee ciidul-adxa