Madaxweeyne Guudlaawe Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Khilaafka Doorashada

60

Kulanka dhexmaray Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka weli ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa 2021.

Labada dhinac ayaa kulankooda sigaar ah diirada ugu saaray muhiimadda leeyahay iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalku ay xal ka gaaraan khilaafaadka la xiriira doorashooyinka.