Madaxweeyne Lafta-Gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo

57

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka diyaaradaha Shaati guduud ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha Bulshada, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii shalay dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa maamulkiisa iyo Al-shabaab ee ka dhacay Magaalada gobolka Bay