Madaxweeyne Lafta gareen oo ka qeeybgalay Munaasabada lagu xusayey 1-luulyo

186

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu xusayey 60sanad guuradii kaso Waregatay tan iyo Markii Gobolada Koonfureed ay ka Xuroobeen Gumeystihii Taliyaaniga ayna Midoobeen Gobolada Waqooyi.

Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, markii xilliga kala wareegga saacadda ay ku beegneyd 12:00am.

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyay khudbad uu ugu talagalay Munaasabadda 1-da Luulyo, iyadoona uu umadda Soomaaliyeed ugu hamabalyeeyay 60 sano guurada ka soo wareegatay, markii uu dalkeenu ka xoroobay gumeystihii mudada dheer duljoogay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay inaanay wax qarsoon ahayn halgankii dheeraa ee loo soo galay gobonimo-doonka dalka, iyadoo dhalintii xilligaa dalka u kacday ay ka xorooyeen gumeystihii buu yiri Soomaali kala qaybiyay.