Madaxweeyne Lafta Gareen oo kormeeray xarunta Wasaaradaha

112

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa
Maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradaha oo Dib udhis Balaaran lagu sameeyey.

Cabdicasiis xasan maxamed lafta Gareen Madaxweynaha Dowlad goboleedla Koonfur Galbeed Somaliya ayaa soo indha indheeyey sida ay u shaqeeyaan wasaradaaha dowlada goboleedka KGS asgoona halkaasi kula kulamy shaqaalaha kala duwan Ee wasaaradaha KGS

Madaxweeynaha oo kormeerkiisa kabib hadlay ayaa sheegay in wasaradaha ay u shaqeeyaan si wanaagsan loogana fadhiyo in ay sii wadaan howlaha muuqdo ay u hayaan Bulshada koonfur Galbeed Soomaliya


“Waxaan soo arkay wax aanan ka fakareynin waxaan soo arkay xafiisyo iyo shaqaalo diyaarsan iyo shaqo si wanagsan oo qurux badan u socoto waxaan ku bogaadinaa wasiirada iyo dhamaan shaqalada wasaradaha in ay sii wadaan shaqada adag ay u hayaan shacabka Koonfur Galbeed”Ayuu yiri Madaxweeybe Lafta Gareen

Xarunta wasaaradaha Ayaa mudo waxaa ku socday dib u dhis balaaran ayadoo haatana ay ka socdaan shaqadii loogu tala galay

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA