Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen
ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.
Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Gudoomiyaha oo kuu Saabsan Hormarka Degmada sida Amniga,Dhaqaalaha,Waxbarashada,Caafimaadka,iyo Qorshaha Sanadka Cusub uga Degsan Hormarinta Bulshada iyo Degmada
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Gudoomiyaha uga Mahadceliyey Daacadnimada ugu Adeegayo Shacabkiisa Waxaana uu Xusay in ay ka taageeri doono Adeegyada Bulshada ay ubaahanyihiin.
Ugu dambeyntii dhankiisa Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf ayaa uga mahadceliyay madxaweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed shacabka soo dhaweynta iyo taagerada uu marwalbaa uu la garab taagan yahay degmada waajid