Madaxweynaha Dowlada KGS oo kulan laqaatey Ururada Bulshada Rayidka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

69

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatey Ururada bulshada Rayidka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen  oo fahansan muhiimada iyo ka qeyb galka dhanka nabadda iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha dibu heshiisinta ayaa xafiiskiisa  ku qaabilay  urururada bulshada  rayidka ah waxana uu kala hadlay siidi loo horumarin lahaa.

Ma’suuliyiintii ka socotay ururada Bulshada rayidka ayaa Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen waxa ay warbixin ka siyeen sida ay u shaqeeyaan iyo doorka kaga aadan siidi ay iskaga kaashan lahayeen sidi bulshada loo wacyi gelinaayo .

Kulanka ayaa waxa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sida ay hogaan cusub  u yeelan lahayeen ururada bulshada rayidka.

Dhinaca kale Madxaweynaha ayaa u soo jeediyay in ay door muuqda ay ururada Bulshada rayidka ay ku yeeshaan arrimaha doorashooyinka soo socda si ay talooyin wax dhisi kara ay ku beeriyaan hogaanka iyo maamulka Koonfur Galbed Soomaaliya .