Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed oo Daahfuray Shirka looga Hadlaayo Arimaha Abaaraha.+SAWIRO

51

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Ali Saciid Fiqi ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha Qorshaynta iyo Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliyo oo Baydhabo usoo gaaray ka qeybgalka Daahfurka Shirka looga Hadlaayo Arimaha Abaaraha.

Wafdiga iyo Madaxweynaha  ayaa  ka wada hadlay xaaladda deegaanda Maamulka Koonfur Galbed Soomaaliya iyo  arrimo dhowr ah oo ku saabsan  sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad  Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galey Wasiirka qorshynta koonfur galbeed, qaar ka mid ah Wasiirada, Gudigga mashruuca Xasaradaha iyo Agaasimayaasha guud ee wasaradaha qarkooda.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta ayaa kula dardaarmay masuuliyiintii shirka ka qeybgashay inay xooga saaran sidii Bulshada  degan deegaanada maamulka Koonfur Galbed  Soomaaliya Loogu Adeegi lahaa

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO