Madaxweynaha Dowladda KGS oo Kulan La Qaatey Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

39

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo  Gudoomiyaha Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa kulan muddo qaatay  la yeeshay  Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha ayaa odayaasha  kala hadlayey inay Doorkooda ka qaatan Hormarka Dowlada koonfur Galbeed ay ku tilaabsatay iyo sidii si nabad iyo Cadaalad ah ugu dhici lahayd Arrimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey in lagu qabto Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta -gareen ayaa ugu horeyn kulanka ka hadlay isagoo Warbixin kasiiyey Odeyaasha Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Laga gaaray Hormarinta Bulshada iyo Baahinta Adeegyada Dowlada

 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Odeyaasha looga Baahanyahay in ay Dardargeliyaan Arrimaha so Xulista Ergooyinka Dooran lahaa Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya si waqtiag yar ee ka harsan doorashada looga faa’ideysto .

Sidoo kale kulanka  waxa ka hadlay Odeyaasha Dhaqanka kuwaasi oo soo dhoweyey Hormarada Dowlada ku tilaabsatay sida, Dhinacyada Cafimaadka Amniga,Kobcinta,Waxbarashada iyo Dhaqaalaha

Ugu dambeyn kulankaan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in la sii waddo  Dadaalka Madaxweynaha uu ku bixinayo sidii Bulshada loo Hormarin lahaa iyadoona sidoo kale ay tilmaameyn  in ka odeyaal ahaan ay diyaar uyihiin sidii ay uso xuli lahayeen Eegooyinka Dooran lahaa Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya

Kulanka madxaweynaha iyo Odayaasha ayaa ku soo dhamaaday Guul iyo is afgarad wanaagsan oo la isla meel dhigay in qorshayasha laga wada hadlay la meelmariyo.