Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray dhismaha Xaruunta Madaxtooyadda Maamulkaasi

32

Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Galmudug ayaa maanta Kormeeray Xarunta loo Dhisayo Madaxtooyada Dowlad Goboledka maamulka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye ayaa Kormeer & Indha-Indheyn kutegay Xarumaha loo dhisaayo Madaxtooyada iyo Afar Wasaaraddood oo kala ah; Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Arrimaha Amniga & Gudaha.

Madaxweynne Qoorqoor ayaa waxaa  kormeerkan ku wehlinayey Agaasimaha Madaxtooyada Cusmaan Macallin Xasan.

Markii  ay booqdeen madaxweynaha  ayaa halkaasi waxa kusoo dhaweeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud & Guryeynta Mahad Xasan Yusuf.

Wasiir Mahad Xasan Yusuf  ayaa  ka warbixiyey Mashruucaan lagu dhisayo xarumaha dowlada Goboledka Galmudug .

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa daahfuray 10-kii  bishii Maarso ee sanadkan 2020

Mashrucaan ayaa waxaa ┬áiska kaashanayaa Dowladda Galmudug iyo Hay’adda SSF