Munaasabad ka dhacday xaruunta Madaxtooyada Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-
1-Shariga Maarreynta Deegaanka
2-Sharciga Hay’adaha
3-Sharciga Dhismaha Booliiska iyo
4-Sharciga Dowalaha Hoose.
Shuruucdan waxaa soo gudbiyay wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose.
Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboledka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada maamulkaasi .
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu Golaha Barlamaanka Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoona xusay in shuruucdu ay gundhig u noqondoonaan in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday muddo xiloodkooda.