Madaxweynaha Hirsahbelle  Oo Farriin Culus U Diray Dhalinyarada Wax-Baratay.

21

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo qeybaha kala duwan ee bulshada uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen in guulo taariikhi ah laga gaaro doorashooyinkii Hirshabeelle  ayaa uu sheegay in si nabdoon ay ku dhaceen.

Cali Guudlaawe ayaa  ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka,dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii adkeed ee ay isku howleen muddadii ay soctay doorashada Hirshabeelle

Madaxweynaha ayaa sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle balse isku tashi ay sameeyeen Hirshabeelle iyo dowladda dhexe lagu gaaray doorasho xasiloon oo ka dhacday Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in muhiimada koowaad maamulkiisa uu kasiin doono dhallinyarada wax baratay si looga faa’ideysto aqoontooda oo deegaannada Hirshabeelle hormar loo gaarsiiyo.