Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu laabtay Magaalada Jowhar

24

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal, Wasiiro, Xildhibaano iyo dad kale oo shacab ahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Caasimadda dalka ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada dhaceysa.

Sidoo kale inta uu ku sugnaa Magaalada, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxa uu kulan la qaatay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha doorashada dalka.

Cali Guudlaawe ayaa kulankii ugu dambeeyay Muqdisho kula qaatay Safiirka dalka Itoobiya ee Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan, isla markaana waxaa ay ka wada hadleen Amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka A