Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Kulamo Ka Wada Magaalada Muqdisho

63

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wasiirka amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo arrimaha ka jira deegaannada Maamulka Hirshabeelle, xili weli ay jiraan tabashooyin ka dhashay doorashadii Guudlaawe.

Kulanka Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Wasiirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi.