Sawirro: Madaxweyne Waare oo gaaray magaalada Baydhabo

66

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waare ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyey dhiggiisa Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shir wada-tashi ah oo halkaasi ay ku leeyihiin isaga, Qoor-Qoor iyo Lafta Gareen.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.