Madaxweynaha JF iyo madax goboleedyada oo shir ku yeeshay Muqdisho

32

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyada ka furmay shir u dhaxeeya Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madax Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa intiisa diiradda lagu saarayo dhismaha Guddiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee xalinta khilaafaadka, doorashada, waqtiga la magacaabayo, tirada xubnaha la doonayo iyo qodobo kale.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday sidii loo adkeyn lahaa heshiiskii ay ka gaareen doorashada oo ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa horyaalla fulinta heshiisyadii hore sidoo kale waxaa laga sugayaa xubnaha guddiga ah ee dhaqangelinaya qodobadaas.